Home » Arimaha Haweenka » 4-tan Sababood Ayay Dhalinyarada Uga Baqayaan Xiriirka Jaceyl Ee Jiifka Ka Kaca!

4-tan Sababood Ayay Dhalinyarada Uga Baqayaan Xiriirka Jaceyl Ee Jiifka Ka Kaca!

shukaansi-guul-jaceyl-hanti-haasaawe-ruwaayad-maseyr-sheeko-shukaansi1-Jaceylka runta ah waxaa uu dadka ka dhigaa daciif.

Xiriirka cusub waa sida dhul aan xuduud laheyn ama Bad aan la gaarin halka ay ku dhamaato,inta badan dadku waxay la kulmaan cabsi dabiici ah oo aysan aqoonin waxa sababaya.In ay naftaada soo dhaweyso jaceyl,waxay la micno tahay inaad halis lugaha la gashay ,taasoo aadan ogeyn dhamaadkeeda,waayo qof ayaad u hibeyneysaa noloshaada oo dhan,adigoo fursad u siinaya in lagu dhibaateeyo,midaas ayaana kaa dhigeysa daciif.
Waa in dareenkaaga uu joogo,aadna ka fikirto dawada ugu fiicanee  naftaada oo ah inaad feejignaan joogta ah muujiso,haddana aad ogaato sida ay wax walbo u socdaa.Xayaati.com ayaa kugu waanineyso inaad noqoto qof ka fikira waxa dhici kara,laakiin aadan noqonin shakhsi dersi la noqodo rajo-xumo.
2-Jaceylka cusub ayaa xiriir la leh midkii hore.
Marka uu qof guda galo Jaceyl cusub,waxaa jiraya is-aaminaad darro badan,sababtoo ah xiriiradii hore ayaa guuldarro ku soo dhamaaday,marka qof waliba waxaa ka guuxaya cabsi iyo kalsooni darro.
Dr ku taqasusay jaceylka oo caan ka ah Mareykanka ayaa yiri “marka aad waqti badan daba socoto Shey,sida Jaceykal,waxaad deris la noqoneysaa xanuun”.Qofka horay wax u soo jeclaaday waxaa dhib ku ah inuu mid cusub la qabsado,waayo xanuunkii hore ayaa haya,kaasna waxaa uu saameyn xun ku yeelanayaa xiriirka cusub.
3-Isku kalsoonaan la’aan..is-yasid.
Qaar badan oo dadka ka mid ah ayaa la dhibaatoonaya in aysan kalsooni ku qabin naftooda,waxay aamisan yihiin in aysan jirin qof jecel,mana dareemsana qiimaha qof ahaaneed ee ay leeyihiin,midaas waa Cad yar oo ku dhex jira jirka qofka sababana xanuun badan.Sidookale nolosha uu qofka ku soo bar-baaray ayaa saameyn leh,tusaale ahaan weligiis ayaa lagu dhaliili jiray karti la’aan iyo muuqaal xumo,marka Boog aan la dhayi karin ayay ku noqtay.
4-Jaceylku malahan isla-egto
Dad badan ayaa ka laba-labeeya inay ku lug yeeshaan jaceyl,waxay dareemaan murugo badan,qaar badan ayaa ka xishooda dawo ay u baahan yihiin oo ah inay sheegtaan Jaceylkooda,sababtoo ah inay wargeliyaan qofka ay doonayaan ayaa dhibaato ku ah oo xanuun badan ayay dareemayaan.Marka murugo joogta ah kama dooran kartid Farxad,mana ahan inaad ka labo-labeyso dawadaada.Xayaati.com oo ka fikireysa farxadaada ayaa mar waliba si qoto dheer u baareysa dhacdooyinka Jaceylka.
Nagala soo xiriir….Xayaati66@gmail.com

 

 

Comments

comments

Xayaati.com Hoyga Mucaashiqiinta Somaliyed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>