Home » Ku Caawi Taladaada » Kaskeey:-”Dabeecad Ahaan Sideen Kaga Hortagi karaa Gabdhaha ila soo doonta caashaqa ee aan kahelin ( Xaaji Tahriib oo Talo Bixinaya)

Kaskeey:-”Dabeecad Ahaan Sideen Kaga Hortagi karaa Gabdhaha ila soo doonta caashaqa ee aan kahelin ( Xaaji Tahriib oo Talo Bixinaya)

faceboookWaxaan idinkaga baahanahay bahda waqtibile.com iyo xayaati.com in aad talo iga isiisaan nolosheyda iyo waxa aan rabo in aan sameeyo.

Horta waxaan ahay wiil 25jir ah hadana dooq xumo ay dilootay, inkastoo aysan qurxaneyn inaan sheego hadana runta waa lama huraan.

Aniga inta badan waxaa ijeclaada gabdhaha aan aniga dooq ahaan kahelin oo nafteydana aysan rabin in aan lahaasaawo intaba dana waxey yihiin kuwa Alle dabeecada ugu deeqay, hadana markey iila soodoontaan caashaq ma niyad jabiyo oo waan soo dhaweeyaa, hada waxaan wada soconaa qof dumar oo garoob ah hal gabarna sidato, runti aad ayey ii jeceshahay waa qof Ilaahey udhaliyay dadnimada dhankastana waa qof kadhisan, waxaanba kusii qadariyaa xariirinta ay waalidkey xiriiriso had iyo jeerba waana qof ila jecel waxwalbo oo hormar ah oo aan gaaro runti aad ayey ii qiimeysaa.

Aniga dooq ahaan kama helin gabadhaan maskiinta ah hadana waxaana ahay qof aan waxba heysan hadaanba iska guursan lahaa inkastoo aan cilmi heer ilaa Degree aan wato oo aan rabo in aan shaqo uraadsado Dalkeyga aan kudhashay ee Soomaaliya

Maxaan gabadhaan kusameeyaa mana jecli inaan gabar Soomaiyeed Niyad Jabiyee?

ee aan soo dhaweeyo? Xaaji Tahriibow igu Caawi Taladada Adaa Aabaha Talo Celinta ehee.
Talo Celin

C/Qaadir Kaskey Dookhu Waa Cajiib Sababtoo ah Waa Fariin Ka Tamiida Qalbi Wax Jecel Kaasoo u Dhexeya in Lagu Guuleysto ama Lagu Guul Dareysto, Haddii Guushu Timaado Waa Siduu Rabay Qafka Wax Jecel Haddii Guul Daro Timaadana Waa Boholyow Boqnaha Jara Qalbiga uu Masage-ka Ka Yimid.

Teeda Kale Waxaad Tiri Ma Niyad Jibiyo Hablaha Jaceylka ila Soo Doonta Waa Wax Wanaagsan Taa Sababtoo ah Qalbi Murugo iyo Ciil Wajihi Lahaa ayaad Waraabisay Wabiyada Jaceylka si uusan Marti ugu Noqon Xabsiyada Jaceylka ee Lagu Marti Galiyo Dadka uu Quusiyayay Kalgacalka.

Arinta ugu Muhiimsan ee aan Galayo ayaa ah Garoobta aad Ku Sheegtay ineey Sidato Hal Gabar ah, Guurku Waa God Gacanta Loo Ritay Qof Si Gooni Loogu Calaamadeeyay Gabar ama Garoob Ma Jirto, Hadii Xag Alle ay Kaaga Qoran Tahay Garoob Waad Guursani, Garoobna Waxaa Ugu Wanaagsan Tu Gabar Wadata Sida Soomalidu Tiraahdo, Gabadhaas Ha Dayicin oo Wax Walbo oo ay kugu Qaadato Guurso.

Maxaan gabadhaan kusameeyaa mana jecli inaan gabar Soomaiyeed Niyad Jabiyee ayaad Tiri, Taa Jawaabteedu Waxa ay Tahay Ogow Gabar Waa Kula Dhalatay Wey Ku Dhashay Wa ayna Ku Dhixi Doontaa Marka Ha Xumeyn Gabar Soomaliyeed Qaladna Haka Galin Adba in Qalad lagaa Galo Ma Jeclide.

Taladaas Waxa lasiiyay Wiil Magaciisa Ku Sheegay C/Qaadir Kaskey Kaasoo Qoraal Email ah Nooga Soo Diray Dalka Keenya.

Halkaan Dhanka Facebook Kala Xariir Xaaji Tahriib

Talo celinta Noogu Dir:- ilatali2@gmail.com
Talo Celiye:-Maxamed Xuseen Yuusuf ( Xaaji Tahriib)
Email:- xaajitahriib@hotmail.com ama Xajitahrib@gmail.com
Tel:- 0027784293322
Johannesburg South Afica

Xayaati.com Hoyga Mucaashiqiinta Somaliyed

One Response to Kaskeey:-”Dabeecad Ahaan Sideen Kaga Hortagi karaa Gabdhaha ila soo doonta caashaqa ee aan kahelin ( Xaaji Tahriib oo Talo Bixinaya)

  1. isku xishooda qof dhintay oo australia saaxiibkiis ku dilay maxaad sawirkiis meesha u soo dhigteen,ma sawir kale baad waayseen,war isku xishooda,oo meher kale yaasha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *